Barnaamijka lagaga caawinayo, Qaadshada jinsiyada dadka ku cusub dalka david-akuien

Taariikhda: Sabti, Febraayo 24, 2024

Waqtiga: Ballanta kaliya, si aad ballan u samaysato naga soo wac ama qoraal noogu soo dir (206) 926-3924           Goobta: Seattle

Ma u Baahan Tahay Caawimaad?

Waa adeeg ay iska kaashanayaan gobolka Washington iyo Ururka One America,oo ah urur aan faaido doon aheyn, oo u ololeeya hormarinta cadaalada, sinaanta iyo xuquuqda qaxootiga. Ujeedada adeegan Jinsiyada ee cusubi; waa sidii loogu fududayn lahaa dadka haysta deganaanshaha joogtada ah (Green Card) ee gaaray xiligii qaadashada jinsiyada Mareykanka,sidii ay u heli lahaayeen jindsiyada,taas oo laga caawinayo farsamada iyo tabaha hanashadda jinsiyadda. Dhanka kale,adeegan,waxa iska kaashanaya One America iyo Garyaqaanada arimaha socdaalka ee Mareykanka (AILA) iyo ururada adeega bulshada ee Washington,waxay kuu qabanayaan howlaha soo socda lacag la’aan:

  • Xog iyo tafaasiil ku saabsan hanaanka qaadasahada jinsiyada
  • Buuixinta arjiyada jinsiyada oo lagaa caawin doono (gaar ahaa foomka N-400 Form)
  • Dib u eegid arjiga jinsiyadda,taas u isha marin doono garyaqaano bilaash ah oo aqoon gaar ah u leh arrimahan.

Kaalay Maalinta Waddaniyadda oo looyarro aqoon u leh dhinaca Socdaalka iyo turjumaanno ay si lacag la’aan ah kaaga caawini doonaan buuxinta waraaqaha lagu noqdo muwaadin ama sitisan.

Looking to practice your English, learn technology, and build community from home? Sign up for English @ Home – our first-ever online English class!

Click here to learn more or pre-register for an upcoming citizenship clinic, including our monthly clinics in downtown Seattle. Pre-registering will also help us keep you informed about any possible changes to the event. Otherwise please plan to check back for any updates.

Isdiiwaangelinta baa lagu taliyay. Imaansho ballan-la’aan ah waa la soo dhaweeyn, haddi boos furanyahay.

MEESHA: 

  • Waa inuu jiraa ugu yaraan 18 sano
  • Haystay deganaasha rasmiga ah(green Card) ugu yaraan shan sano ama sadex sanadood hadii uu qabo xaas Mareekan ah.
  • Ku sugnaa gudaha Mareekanka laba sano iyo bar shantii sano ee ugu danbeeyey ama sanad iyo badh sadexdii sano ee ugu danbeeyey haduu qabo xaas Mareekan ah.
  • Waa inaanu ku sugnaan sanad ama ka badan dibada Mareekanka shantii sano ee ugu danbeeyey ama sadexdii sano ee ugu danbeeyey haduu qabo xaaas Mareekan ah.

Qaadashada Mareekanku,waa arin aad u muhiim ah,,oo aad ku mutaysanayso xuquuqo badan,oo ay ka mid yihiin:

  • Xaqa codaynta,qabashada iyo u tartanka xafiisyada danta guud iyo waliba ka mid noqoshada gudiyada garsoorka.
  • Waxaad ka dhiiban kartaa aragtidaada maamulka dawlada iyo go’aamada noloshaada saamaynaya.
  • Waxaad si dhib yar u codsan kartaa in laguu keeno dalka Mareekanka qaraabadaaada dibada ku nool,si ka dhakhso badan.codsiga qofka deganaanshaha rasmiga ah leh( Green Card).
  • Caruurta da’doodu ka yartahay 18 jir,ee haysta deganaanshaha rasmiga ah,waxay helayaan jinsiayada isla marka waalidku qaato.
  • Waxaad ku noolaan kartaa dalka dibadiisa mudadii aad doonto, adigoon ka cabsi qabin ku laabashada Mareekanka,ama in dal ku galku(Visa) kaa dhaco
  • Cabsi ka qabi maysid in dalka lagaa dhoofiyo(tarxiilo).
  • Waayo? Dadka qaata jinsiyada Mareekanka iyo caruutoodaba lagama dhoofin karo dalka,halka ay suurta galka tahay in dadka haysata dagannanasha rasmiga kaga dhoofiyo Mareekanka,hadii ay gaystaan danbiyo gaar ama ay ku maqnaadaan dibada dalka mudo dheer.
  • Shaqooyin badan ayaa ku xidhan haysada jinsiyada Mareekanka,gaar ahaan shaqooyinka dawlada dhexe.
  • Kaalmada dawlada waxa xaq u leh muwaadiniinta Mareekanka,sidaa awgeed dadka aan muwaadiniinta ahayn ama haysta deganaanshaha rasmiga ahi,ma helaan kaalmada dawlada.
  • Uma baahnid inaad mar walba cuuboonaysiiso sharcigaaga,oo aad hadba waraaqo buuxiso,sida dadka haysta deganaanshaha rasmiga ah.
  • Waxaad iibsan kartaa qori ama hub.Waayo? Looma ogola qof aan muwaadin ahayn inuu iibsado hub.

Waxa kale,oo aanu u soo bandhigi doona dadwaynaha tababar bilaash ah oo ku saabsan sidii aad ugu guulaysan lahayd, wareysiga jinsiyadda iyo maclumaad kale ee ku saabsan ka qey qadashadda howlaha bulshadda.

Si aad u ogaato gooabaha kuugu dhaw,ee adeegaas laga heli karo,fadlan la xariir 1.877.WA.NEWCI(TIZEN) (1.877.926.3924 x 04)

Waxa Lagaa Rabo Maalinta Wumaadinimada

QOFKASTA

  • Deganaansha rasmiga ah (Green Card)
  • Cinwaanada guryihii aad deganayd shantii sanadood ee ugu danbeeyey
  • Magaca iyo cinwaanada meelihii aad ka shaqaysay shantii sano ee ugu danbaysay
  • Hadaad dhooftey intaad haysatey deganaanshaha rasmiga ah, dalalkii aad tagtey iyo mudooyinkaad ku sugnayd. Baasaboorkii aad ku dhooftey iyo tikadhadii aad goosatey, hadaad heli karo soo qaado.
  • Magacyada caruurtaada, taariikhda dhalashada iyo lambarada kaadhadhkooda deganaashaha rasmiga ah (Green Card)
  • Waraaqaha canshuur celinta ee ugu danbeeyey
  • Keenso wixii dokumentiyo ah oo kusaabsan waaxda imigareeshinka n 725 doolar (dadka qaar waxa laga yaaba in laga dhimo) lacag cadaana ama jeeg ku socda “U.S. Department of Homeland Security”.
  • Laba sawir oo kur ah (teesare) iyo midab ah
  • Turjumaano waa diyaar, hadii aad adigu soo kaxaysatona ma xuma

AQOONSIYO KALE OO DHEERAAD AH

  • Hadii aad caawimaad ka heshid doowlada sida caafimaad, foodstamp, Ama sooshaal sekuuriti la imoow waraaqaha cadeeynaya.
  • Hadii aad xasbi gashay, boolis ku qabtey ama maxkamad lagu hor keenay shantii sano ee ugu danbeeyey, waa inaad keentaa:
    • Waraaqahii iyo cadaymihii la xidhiidhey xadhigaaga (warbixintii booliska iyo
      waraaqdii maxkamada).
  • Hadii magacaaga deganaashaha rasmiga (Green Card) ahi ka duwanyahay kaaga sharciga ah (sharciga kuugu qoran):
    • Waa inaad keentaa wax cadaynaya inaad magacaaga badashey (Warqada guurka, furiinka, shahaado jaamacadeed ama cadayn maxkamadeed).
  • Hadaad ku dalbatey jinsiyada xaaskaaga Maraykanka ah:
    • Taariikhda guur ee xaaskaaga ama ninkaaga, guurkiisee/guurkeedii la soo dhaafay.
    • Wax cadaynaya in adiga iyo xaaskaagu meel kuwada nooshihiin (sida warqadaha cashuur celinta, bankiga, shahaadada dhalashada caruurta).
  • Hadaad guursatey marar badan, waa inaad keentaa:
    • Waraaqdii guurka, furiinka ama dhimasho iyo dhamaan taariikhihii guurkaasi dhacay.
    • Cadayn inaad bixisay lacagta daryeelka ubadka oo maxakamadu kugu xukuntey, haday jiraan.
  • Hadii aad Maraykanka dibada uga maqnayd inka badan 6 billood sanadkasta oo ka timada intii aad qaadatay deganaanshaha rasmiga ah:
    • Waa inaad keentaa cadayn ku saabsan maalintii aad ka baxday iyo maalintaad ku soo noqotay Maraykanka iyo inaad shaqo haysay ama gurigaad degenayd Maraykanka.
  • Hadii xaas iyo caruur aan kula noolayni jiraan, waa inaad keentaa:
    • Cadayn maxkamad kugu amartey bixinta daryeelka caruurta.
    • Cadayn taageero dhaqaale oo aad siiso caruurtaada, sida jeega dabadiisa, rasiido (shati) lacag lagaaga gooyey caruurta ama warqada ka socota waalid ama qof kuu haya caruurta.
  • Hadii cashuur dawladu kugu leedahay oo aanad bixin, waa inaad keentaa:
    • Dhamaan waraaqaha iyo codsiyada aad ka heshey dawlada ee arintaas la xidhiidha.
  • Hadii magacaagu ku jiro liiska shaqada qaranka Maraykanka (Selective Service), waxa lagaaga baahanyahay:
    • Taariikhdii aad is diiwaan galisay iyo labarkaaga shaqada qaran.

popular documents

services near you

The following is a list of organizations and individuals who provide naturalization services in Washington State.
map-nonprofit
Nonprofit organizations offer free or low-cost services. Please call for more information about services, fees, and appointment availability.
map-attorney
Attorneys offer legal services at a cost, some offering reduced fees or installments. Please call for more information about services, fees, and appointment availability.